AKHRISO: JADWALKA HADAL JEEDINTA MUSHARIXIINTA MADAXWEYNAHA OO LA SOO SAARAY

31 jan 2017 (Puntlandes) Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Jadwalka Khudbad Jeedinta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha JF Soomaaliya.

Khudbad Jeedinta Musharixiinta ayaa bilaaban doonto haddii alle idmo Maalinta Khamiista ah ee soo socota Taariiqduna ay ku beegantahay 02 Febuary ilaa 5 Febuary waxaana ay socon doontaa muddo 3 Bari ah.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka hor jeedin doono Barnaamijkooda siyaasadeed oo ay dalka ku dhaqi doonaan haddii ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa Jadwalka Maalinta koowaad ee Khamiista kaga jira booska 5aad Musharaxa ay dawlada Ethiopia suxul duubka ugu jirto inay mar kale ku fariisiso Kursiga madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh.

Maalinta u dambaysa ee sadexaad waxaa booska 1aad ee Jadwalka khudbad jeedinta uga jira Musharaxa ugu cad cad inuu hanto ama ku guulaysto xilka madaxweynaha JFS Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Hoos ka Aqriso Jadwalka

233-8d8

Puntlandes.com

About The Author