FARQIGA U DHAXEEYA CUMAR CABDIRASHIID IYO MUSHARAXIINTA KALE!!

Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waa siyaasiga kaliya oo laba jeer xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya soo qabtay xilligii Dowladii KMG 2009 ilaa 2011 iyo Xilligan oo Dowlad rasmiya dalka ka jirto, waana Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya .

233-7d4

Musharax Sharmaake mudada uu xilka hayay Dowladii KMG waxa uu dejiyey Qaabkii ama Habkii ay Soomaaliya uga baxday KMG, iyadoo sabab u ahayd isku dhicii isaga iyo Madaweynihii dawladaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Raod Mapkii la Soomaaliya looga saaray KMG 2012kii waxaa curiyey oo uu fikirkiisa ahaa Warsul Wasaaraha iminka isla markaasna ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke.

Musharax Sharmaake mudada uu xilka hayay waqtigan oo kor u dhaafaysa hal sano waxay ku guulaysatay Xukuumadda uu hogaaminayay arrimo badan oo aanu ka xusi karno dhanka Amaanka oo Alshabab laga saaray Gobolo iyo Degmooyin badan, Dhisitaanka iyo Hirgalinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka oo laga gaaray bilow wanaagsan.

Arrimaha kale oo uu kaga duwan yahay siyaasiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha iyo Guud ahaanba kuwa Soomaalida waxaa ka mid ah in uusan wali jeedin khudbado ama hadalo abuuraya xiisado siyaasadeed, mid amaan iyo wax kasta oo wax u dhimaya wada jirka iyo dib u yegleelida haykalka dowladnimo.

Dr Cumar Cabdirashiid oo kala soo shaqeeyay Qaramada Midoobay dalal badan oo colaado ka aloosnaayeen sida Koonfurta Sudan, Srileon, iyo Kuwo kale ayaa lagu xasuustaa dadaaladii iyo juhdigii wax ku oolka ahaa oo uu uga miro dhaliyay intii uu u qaabilsanaa QM.

Hal ku dhiga Musharaxaan oo ah XASILOONI SIYAASADEED ayaa ah mid daaran macno fog, kaas oo aynu ku micneyn karno in haddii arrimaha siyaasiga ah xal loo helo uu dalku ku talaabsan karo horumar dhan kasta ah sababtuna ay tahay TALADA DEGAN iyo XASILOONIDA SIYAASADEED ayay ka dhalan kartaa HORUMARKA DALKA sida dhanka Amaanka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Hoos u dhigida Faqriga iyo Kobcinta Adeegyada bulshada asaasiga u ah.

Musharax Cumar sida la xasuusto AUN Aabihiis Cabdirashiid Cali Sharmaake waa Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya 1960-kii halka uu noqday Madaxweynihii 2aad ee dalkaan, waana astaan lagu xasuusto bilowgii Gobonimada iyo Dowlad u dhiskii dalka Soomaaliya, Taas bedelkeedana marxalada maanta uu dalku ku jiro waxay ka hooseysaa xilligii xornimada la qaatay.

Dadka lasoo shaqeeyay Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa intooda badani yihiin kuwo ku tilmaamaya inuu yahay shaqsi dulqaad badan, Qadariya dadka, Islamarkaana ay ku weyn tahay daacadnimada iyo Inuu dib cagihiisa isugu taago Qaranka Soomaaliya.

Ali J.

Falanqeeye arimaha Siyaasadda Soomaaliya

Puntlandes.com

About The Author