Guddoomiye ku-xigeenkii guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo is casilay

Guddoomiye ku-xigeenkii gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xubinnimadii gudiga kadib eedeyn loo jeediyay.

233-8d7

Warka arintan ku saabsan waxaa Saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle, oo sheegay in uu iskii uga tagay howshii uu gudiga u hayay.

Gollaha musharixiinta madaxweynaha oo kulan maalintii shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay mas’uulkan in uu si toos ah ula saftay una taageeray mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa ay codsadeen in laga saaro xubinnimada gudiga oo sida ay hadalka u dhigeen looga baahan yahay in ay dhaxdhaxaad ka noqdaan howlaha doorashada ee socda.

fartaag-150x150

Dhinaca kale, guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada Dr Beyle ayaa qaadacay go’aankii musharixiinta ee ahaa in gudiga oo kaliya uusan awood u laheyn in uu baabi’iyo qodob ka mid ah jadwalka doorashada, isaga oo sheegay in arintan keeni karto qalqal ama dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada.

Ugu danbeyntii, maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in xarunta gollaha shacabka ay ka bilaawdaan khubadaha musharixiinta, waxaana la dhageysan doonaan wax qabadkooda ilaa siddeed musharax sida ku cad jadwalka jeedinta khudbadaha musharixiinta.

Faahfaahin waxa keenay issa salaada Fartaag halkan ka Akhriso

Puntlandes.com

About The Author