XOG: CIIDAMADA MUQDISHO OO BEERKA KA LAADAY MAXAMED CABDIRAXMAAN FAROOLE

4 feb 2017 (Puntlandes) Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah curadka Madaxweynihii horre ee Puntland ayaa kala kulmay qaar ka mid ah Askarta ciidanka DF Somalia ee jooga Muqdisho jirdil iyo handadaad .

maxamed-faroole1

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Puntlandes in falkan uu ku qabsaday Maxamed Cabdiraxmaan, oo dad badani aaminsan yihiin shaqsi kibir iyo isla weyni badan ku jirto, gudaha Hotel Jazeera ee Muqdisho gaar ahaan qeybta laga raaco Wiishka ama Elevanter ka ka dib markii uu kula kacay askarta ilaalo halkaas ka ahayd aftaag iyo afla gaado

Waxaana wararku sheegayaan intaas ka dib in ciidankii halkaas joogay si toos ah ay ugu gacan qaadeen Maxamed Cabdiraxmaan xilli ay goobta ka agdhawayeen dad badan oo isugu jiray masuuliyiin,siyaasiin,wariyayaal iyo marti sharaf kale

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku wehliyay socdaal aabihiis Cabdiraxman Faroole uu dhawaan ku tagey Muqdisho imago ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, Waxayna noqotey dhacdada gacan qaadka uu ciidanka kala kulmay mid filanwaa ku abuurtay madaama dhaqanka gudaha Puntland looga bartay gaar ahaan xilligii uu aabihiis xukunka hayay ahaa wiil badraan ah oo han qabweyni iyo kibir hawo ah aaminsan.

Puntlandes.com

About The Author