Sawirro+Dhagayso:- maxkamada Darajada Koowaad Ee Degmada Gaalkacyo Oo Xukuno Ku Ridey Dhalinyaro Ciidamadu Soo Qabteen

Maxkamada darajad koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ay xakuno kala duwan ku ridey dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaasi oo guri kutumanayay qoobka ciyaar kuna xirtay samicado waawayn oo ay kasoo dacwoodeen dadka xaafada ag daganaa.

Xeer ilaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa waxaa u maxkamada horkeeney qaar kamida qalabkii ay muusiga ku tumanayay iyo qaar kamida mobilo ay ku duubeen ciyaarahooda waxaana uu codsaday in lagu xukumo min laba sano oo xariga.

Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo C/raxmaan Kilwe ayaa sheegey in qof waliba oo muslima laga doonayo inuu la dagaalamo anshax xumada qaab waliba ayna ku xukumeen mid waliba saddex bilood oo xariga iyo hal malyan oo shilin Soomaali ah.

Hoos ka dhagayso Warbixin

Hoos ka Ee Sawirrada 

1 2 3 4 5 6 7 8 vlcsnap-error156

About The Author