Dhagayso:-Taariikh Nololeedkii Gen Cadde Muuse Madaxweynihii Hore Puntland Ee Geeriyoodey Xalay

Allaha unaxariisto waxaa xalay dalka isku taga imaaraadka ku geeriyoodey madaxweynihii hore dowlada Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi( Gen Cade muuse ) oo mudo ku xanuun sanayay Magaalada Shaariga waxaana idiin soo gudbinaynaa taariikhdiisa oo Kooban.

AUN Magaciisa Wuxuu ahaan jirey Maxamuud Muuse Xirsi Boqor  Hooyadiisa waxaa ladhahaa naado shire 1937 wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Dugsiga quraanka wuxuu dhiganayay 1942/1944 tii oo xamar ka dhiganayay.

1944/1953 wuxxuu wax barashada dugsiga hoose dhexe ka dhigayay magaalada xamar wax barashada dugsiga sare xamar ayuu uga baxay 1953/1958 kadib kuliyada ciidamada ayaa waxaa layli sargaal loogu direy dalka talyaaniga 1959/1961 dii kadib waxaa loo dayay kuliyada cilmiga sharciga 1962/1963 .

Kadib waxaa loo dayay kuliyada cilmiga sharciga saraakiisha sare isla talyaaniga 1967/1969 kii   isla sanadkii 1975/1976 wuxuu aaday ruushka oo uu ka baranayay kuliyada istarajiyada sare oo uu halkaasi mudo ka maqnaa kadib dalka ayuu kusoo laabta .

Hoos ka dhagayso iyadoo faah faahsan waxaana sharaxaya  aqoonyahan Muuse Cali Jaamac

 

About The Author