DAAWO SAWIRRADA FAROOLE OO GAROWE QAS & FOWDO KA BILAABAY

15 feb 2017 (Puntlandes) Waxaa maanta si khasab ah loogu soo dhaweynayaa Garowe Dr Abdiraxmaan Faroole ka dib markii uukusoo hungoobay doorashadii dhawaan ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Siyaasigan ayaa subaxnimadii hore ee maanta dhigtay fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe maleeshiyo ku hubeysan gadiidka dagaalka waana arrin muujinaysa dhoola tus fawdo iyo qar iska xoornimo.

Guriga uu ku leeyahay magalada Garowe Cabdiraxman Faroole ayaa maanta laga soo saarey gadiid dagaal oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay hantidii dowlada horey looga bililiqeystay waxaana lasoo dhigay barxada magaalada Garowe.

Cabdiraxman Faroole ayaa markii madaxweyne Gaas uga guulaystay tartankii doorashada ee jan 2014 waxaa uu gurigiisa ku xaraystay Tekniko ay Dawladda Puntland lahayd, waana taas mida uu maanta fawdada ku samaynayo.

Wiilka Faroole, Maxamed Cabdiraxman Faroole ayaa waxaa loo xaaqiijiyey Warbaahinta Puntlandes in markii Aabihii looga guulaystay Doorashadii jan 2014kii uu ka bililiqaystay dawlada Puntland 10 gaari oo isugu jira Tekniko iyo kuwa aan xabad u Karin ee Raaxmada.

Dhanka kale waxaa xusid mudan inuu Cabdiraxman Faroole diiday inuu ka qayb galo Aaskii Qaran oo ay Dawladda Puntland shalay u samaysay AUN Madaxweynahii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse, iyadoo lagu aasay magaalada Bosaso ayna ka soo qayb galeen wufuud iyo madax badan oo Federaal iyo Heer Puntland ah.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo wargal ah ka ogaatay inuu Cabdiraxman Faroole Muqdisho shir la xiriira sidii xilka looga tuuri lahaa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kula yeeshay siyaasiyiin caan ka ah Puntland oo ku sugnaa waqtiyadii dambe magaalada Muqdisho, iyagoo ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan sidii ay xilka ugala wareegi lahaayeen Gaas.

Daawo sawirrada ay idiin soo gudbinaysaa warbaahinta Puntlandes

received_1032709530168039 received_1032709766834682 received_1032709800168012 received_1032709846834674 received_1032709970167995 received_1032710020167990 received_1032711380167854 received_1032711386834520

Puntlandes.com

About The Author