Qurba Joogta Gobolka Haylaan oo dadka deegaankaas Soo gaarsiiyey Hu’ (Sawirro).

Gobolka Haylaan oo kamid ah Gobolada Puntland ee ay saamaynta weyn ku yeelatay abaartii wadanka ku dhufatay, ayaa waxaa la gaarsiiyey gar gaar Hu’ ah oo ay isaka soo aruuriyeen qaar ka mid ah Qurba joogta kasoo jeeda gobolkaas ee ku dhaqan wadamo Dhawr ah oo ka tirsan Yurub.

Agabkaan oo u badnaa bustayaal laga galo dhaxanta, ayaa waxaa la gaarsiiyey deegaanka Barkadaha Qol, oo ay kusoo barakeceen dad badan oo ay xooluhu dhaafeen, Waxaana ay dadkaasi heleen Bustayaal ay dhaxanta ka galaan.

Goobta lagu wareejinayey agabkaan ayaa waxaa joogaay gudiga Abaaraha ee magaaladda iyo Uqaabilsanaha Gobolka Haylaan Ee Hay,dda Bulshadda Rayiddkaa Ee puntland (PUNSAA) naciimo muuse cilmi Oo Ay Jaalliyaddu U soo wakiilatay Deeqdan inay Gaarsiiso Dadkan, Bustyaashaan ayaa lagaarsiiyey 180 qoys oo ka mid ah dadkii baadiyaha kasoo xarooday.

Maahan markii ugu horaysay ee ay qurbajoogto gar gaar soo gaarsiiy gobolka Haylaan, horay ayey uga qaybiyeen deegaanka Raashin, Biyo iyo Hu’ waxaana ay gar gaarkaan soo wadeen 5tii bilood ee ugu danbaysay.

Dadweynihii lagaarsiiyey wax qaybinta iyo gudigii gurmaddak abaaraha deegaankaas, ayaa si wada jir ah waxaa ay ugu mahad celiyeen Jaaliyadda kasoo qayb qaadatay gar gaarkaan, waxaana ay sidoo kale baqq u direen Dhamaan Ummadda reer Puntland iyo Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay in alle loonoqdo, lana sameeyo roobdoon Joogto ah, waxaa kale oo ay intaas ku dareen in loo baahan yahay in loo gurmado ummadda Abaartu Saamaysay meelkasta oo ay Joogaan.

Daawo Sawirro.
16753954_1332912256769962_287788545_n-1 16754339_1332903533437501_308139357_n 16754347_1332903683437486_1661293614_n 16780117_1332902996770888_87053344_n-1 16780197_1332903570104164_952753311_n 16780262_1332904186770769_1861585308_n 16780352_1332904426770745_915163902_n

 

About The Author