Daawo Barnaamijka ku saabsan Waxqabadka Hay’adda Qandaraasyada Puntland

18 feb 2017 (Puntlandes)  PLTV ayaa soo bandhigay Barnaamijka ku saabsan Waxqabadka Hay’adda Qandaraasyada Puntland, iyadoo ay Hay’addasi qabatay shaqooyin badan oo dhaxal gal aynu ku bixisay Fulintooda Qandaraasyo.

233-9d6

 

Hay’adda Qandaraasyada u qaabilsan dawlada Puntland ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2000 laakiin waxaa hawlgelisay sanadkii 2014ka dawlada uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ogsoon qiimaha ay dalka u leedahay Hay’addaasi.

Waxqabadka iyo Qandaraasyada ay Hay’addu bixisay ilaa markii la hawlgeliyey 2014kii ayaa waxaa ka mid ah:

  • Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso (oo si casri ah loo dhisay)
  • Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Caasimadda Puntland Garowe (oo heer gabo gabo ah maraya)
  • Dhismaha Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland (oo heer gabo gabo ah maraya)
  • Dhismaha Xarunta Wasaaradda Xanaadda Xoolaha Puntland (oo si casri ah loo dhisay)
  • Dhismaha Wada Gaalkacyo iyo Garowe oo Wajiga hore la dhisayo 80km Jalam ilaa Xarfo waxaana ku baxaya 6 miljan oo doolar oo ay bixisay EU
  • Mashaaric lagu dhisay CEEL Biyoodyo badan oo laga dhisay dhul u qabay baahi aad u wayn

Daawo Barnaamijka ku saabsan Waxqabadka Hay’adda Qandaraasyada Puntland

Puntlandes.com

About The Author