Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Suuq ku yaal degmada Wadajir

19 feb 2017 (Puntlandes) Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay suuq ku yaala xaafada Kaawo Godey ee degmada Wada-jir ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa.

qarax-uura

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay goobo ganacsi oo aad mashquul u aheyd, sida meel qaadka lagu iibiyo, maqaayado, iyo goobo kale.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee SONNA in qaraxa uu ka dhacay goob suuq ah, isla markaana uu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Hey’adda ammaanka ayaa sheegaya in illaa 30 qof ku dhinteen qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay goobo kala duwan

Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Kaawo Godey ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay inuu arkay dhimashada in ka badan 15 ruux

Puntlandes.com

About The Author