Daawo-Dhagayso: Alshabaab oo si adag uga Hadashay Doorashada Madaxweynaha JF Somalia Farmaajo warna kasoo saartay

19 feb 2017 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa markii u horeysay war ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo 8-dii bishan.

233-9e1

Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Alshabaab, ahna Guddoomiyaha Alshabaab u qaabilsan Galgaduud ayaa sheegay in Farmaajo uu ka daran yahay Madaxdii hore u soo maray dowladda Federaalka.

“Farmaajo waxba kama duwana madaxdii hore, balse waaba uu ka sii daran yahay, waa midka ugu sharta badan”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Waxaa uu sheegay in afarta sano ee u hartay Farmaajo ay la dagaalamayaan, isagoo uga digay shacabka inay ku kadsoomaan sida uu yiri.

“Waxaan rabnaa inaan sheegno in aysan Muslimiinta ku kadsoomin, waa in ay ogaadaan waxa is bedelaya waa gaal degaya iyo gaal imaanaya, kuwii hore waxay dhihi jireen waxaan ka shaqeynaynaa danta dalka dadka iyo diinta, balse Farmaajo Tabeelihiisa waxaa ugu qoran danta dalka iyo dadka  wuxuu yiri wax diin layiraahdo iga fogeeya”ayuu yiri Xasan Yacquub.

Yacquub ayaa u digay Beesha uu kasoo jeedo wuxuunasheegay inay Sheekh Shariif Beeshiisa ka dileen 4000, halka ay Beesha Xasan Sheekh iska diiday kadib markii ay u digtay Beesha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ay kaga dhimatay 4000 wiil.

Mar uu ka hadlayay isu soo baxyadii lagu taageerayay Farmaajo uu ahaa mid ay soo abaabuleen NGO dhaqaale lagu siiyay buun buuninta mashruuciisa cusub sida uu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in in dowladda Farmaajo ay ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaalameen dowladihii ay madaxda ka ahaayeen C/llaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

Dhagayso Sheekh Xasan Yacquub oo adag uga hadlay Doorashada madaxweyne Farmaajo



Puntlandes.com

About The Author