Dhagayso:-Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Oo Loo Qabtay Tababar Kusaabsan Isla xisaabtanka iyo Hufnaanta

Tababarka loo qabtay xildhibaanada golaha deegaanka degmada boosaaso ayaa waxaa uu ku saabsanaa isla xisaabtanka iyo hufnaanta waxaana soo qaban qaabiyay machadka cilmi baarista iyo siyaasada ee hayaan waxaana kulanka ka qayb galay maamulka degmada boosaaso,kan gobolka bari iyo masuuliyiin kale.

Axmed maxamed faarax oo ka socdey machadka hayaan ayaa shegey in dowladnimadu ka bilaabato maamulada dowlada hoose oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan markaasna ay imaan kadho dowlad loo dhan yahay ujeedka tababarkaana uu yahay sidii loo heli lahaa dowlad lala xisaabtami karo.

Siciid garoon ku xigeenka degmada boosaaso ayaa waxaa uu xildhibaanada golaha deegaanka ka codsaday inay ka faaiideystan isla markaasina aqoonta ay bartaan laga doonayo inay shacabka ugu shaqeeyaan udubdhexaadka shaqada mamulkana ay tahay in maamulka uu helo masuuliyiin la xisabtama.

Hoos ka dhagayso

 

About The Author