Daawo Barnaamijka ku saabsan Daahfurka Mashruuca biyoxireenada Puntland

21 feb 2017 (Puntlandes) Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ayaa Daahfurtay Mashruuc cusub oo lagu hormarinayo Puntland kaasoo lagu samaynayo Biyoxireeno gaaraya 4 oo aad u bal-balaaran.

Waxaana laga dhisayaa wajiga koowaad 4 Biyoxireeno oo aad u waawayn, kuwasoo laga dhisayo deegaanada kala ah:

  1. Xam-Xama Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal
  2. Raydable, Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug
  3. LaasoDawaco Gobolka Bari
  4. Dharoor Gobolka Karkaar

IMG_4878

Afartan Biyoxireen ee aadka u waawayn ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 1000000 doolar (1Miljan doolar) oo uu Bankiga Aduunka ka caawinayo dawlada Puntland oo dadaal aad u balaaran u gashay sidii ay u Horumarin lahayd Deegaanad Puntland oo aan horay usoo arkin waxqabad dawladeed.

Munaasadda lagu daahfurayo biyoxireenada gaaraysa 4 ayaa waxaa kasoo qayb galay khudbadana ka jeediyey mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dawlada Puntland.

234-1a1

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegey in Mashruucan oo ah mid tijaabo ah uu si degdeg ah Puntland uga bilaabmi doono.

Wasiirku wuxuu sheegey in wasaaradu ay ku mashquulsan tahay in laga hortago dhibaatooyinka xaalufka ee ay keenaan biyaha khasaaraya iyo in laga faa’iidaysto biyaha khasaaraya, wasiirku wuxuu dadka Reer Puntland ugu baaqay inay ka qaybqaataan dadaalka adag ee ay wasaaradu ugu jirto samaynta biyo xireenada iyo badbaadinta deegaanka.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali ayaa ah wasiirka ugu shaqada badan Wasiirada dawlada Puntland isagoo mudadii yarayd ee uu ahaa Wasiirka Wasaaradaas uu si fiican u kiciyey wasaaraddaas oo fadhiidh ahayd, Wasiirka ayaa waxaa lagu xusuustaa shaqadii iuu ka qabtay Wasaaradda Caafimaadka oo uu baal dahab ah ku galay.

Wasiirka ayaa ugu dambayn wuxuu u mahadcelinyey Malgeliyaasha Mashruucan qiimaha badan, isagoona u hambalyeeyey Deeganada afarta ah ee NASIIBKA u yeeshay in lagu bilaabo Mashruucan, wuxuuna shaaca ka qaaday inta uusan sanadkan 2017ka dhamaan inay Puntland Wasaaradiisu ka hirgelin doonto 6 Biyoxireen oo kale.

Dhanka kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay inay horay uga fuliyeen Puntland 2 Biyoxireen oo waawayn iminkana ay dadaal xoogan u wadaan sidii ay u samayn lahaayeen kuwo badan anagoo ka faa’iidaysanayna biyaha Badda ku shuma.

Waxgarad ka socday Goobaha laga samaynayo Biyoxireenada ayaa aad usoo dhaweeyey kuna amaanay oo ku Bogaadiyey shaqada aadka u fiican ee dawlada Puntland u hayso shacabkeeda.

Barnaamijka ku saabsan Daahfurka Mashruuca biyoxireenada Puntland

Puntlandes.com

About The Author