Daawo Video-Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo ku Casuumay Caleemasaarkiisa madaxweyne Sheekh Shaakir, Barlamnaka Galmudug & shacbka oo soo dhaweeyey

21 feb 2017 (Puntlandes) Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madawaynaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Sunna Sheekh Maxa’ed Shaakir oo casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Shaakir oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in imaatinkiisa Muqdishu uu ka dambeeyay casuumaada uu ka helay Madaxweyne Farmaajo, uuna maamulkoodu ka qayb gelidoono Caleemasaarka madaxweyne farmaajo.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxwayne  Shaakir ka qeybgalo Munaasabad ay qabaneyso Dowlada F. Somalia, waxaana ku wehliya madaxweynaha Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo Saraakiil ciidan

Hoosna ka daawo Baarlamaanka Galmudug iyo shacabka ku nool Cadaado oo si wayn usoo dhaweeyey Casuumada uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey Madaxweyne Shaakir oo uu maanta ku tagay Muqdisho uuna kaga qayb galayo Caleemasaarka madaxweyne farmaajo.
Madaxweyne Shaakir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Ahlu Sunna ciidankeeda ku biirin doonaan kuwa qaranka, islamarkaana ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.

Daawo sawirrada
234

234-1a1

234-a

234-1b

234-1c

FB_IMG_1487680966266 FB_IMG_1487681004326
Puntlandes.com

About The Author