Khudbadii Madaxweyne Farmaajo oo abuurtay rajo ku saabsan dib u yagleelida dawladnimadii & haybadii ay ummadda Soomaaliyeed lahaan jirtay

22 feb 2017 (Puntlandes) Maanta oo taariikhdu ahayd 22ka feb 2017 ayaa waxaa lagu Caleemasaaray magaalo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Maxamed gfarmaajo, iyadoo ay ka soo qayb galeen munaasabadda madax ka socotay dalalka ay Soomaalya jaarka yihiin iyo Wakiilo kale.
234-1f
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu jeediyey Khudbad aad iyo aad u qiimo badnayd, isagoo ay garbihiisa taagnaayeen labadii madaxweyne ee isaga ka horeeyey.

Daawo khudbadii madaxweyne Farmaajo

Ugu horaytii Madaxweynaha oo digaya shacabkii muujiyey inay ka sugaan inuu wax walba hagaajiyo dareensan hanka weyn ee loo qabo ayaa shacabka u sheegay in Soomaaliya burbur ku jirtey 26 sano dhismaha dawladnimadana  aan lagu dhameyn karin afar sano laakiin uu meel fiican gaarsiin doono kadibna kuwa ka danbeeya ay dhamaystiri karaan.

Qodobada uu madaxweyne Farmaajo dul istaagay uuna sheegay inuu wax ka qaban doono waxay kala yihiin:

  1. Amni kusoo dabaalidda dalka
  2. Abaaraha
  3. Dhameystirka dib u heshiisiinta
  4. Dib u soo celinta kalsoonida shacabka ay ku qabeen dawladda
  5.  Yareynta fakhriga iyo saboolka
  6. Kobcinta dhaqaalaha
  7. Jiheynta awooda dhallinyarada
  8. Xoojinta Federaalka,
  9. Xoojinta xiriirka arrimaha dibadda.

Qodobadan ayuu Madaxweynuhu mid walba goonidiisa u faah-faahiyey.

Amniga dalka

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhanka Amniga ayaa sheegay in dowladiisa ay hubin doonto:

  1. In Ciidanku Mushahaarkooda heleen
  2. Tayeynta Ciidanka
  3. Qalabeynta Ciidanka

Dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed

Dib u heshiisiinta ayaa Madaxweynuhu tusaale u soo qaatey colaada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii loo dhamayn lahaa colaadaas oo aysan mar danbe u soo laaban.

Dib u soo celinta kalsoonida shacabka

Si loo soo celiyo kalsoonida shacabku ay ku qabeen dawladooda waa inaya  dowladdu ay noqotaa mid u adeegta shacabka, mid u tureta shacabka.

Federaalka

Madaxweynaha ayaa balan qaaday inuu ka shaqyn doono xoojinta Federaalka isagoo sheegay inuu samayn doono guddiga uu Dastuurku qabo inuu si dhow ula shaqayn doono dawladaha xubnaha ka ah dawalada Federaalka Soomaaliya isagoo.

Saraynta Sharciga/Fulin wixii lagu heshiiyey

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu Xushmayn doono in Sharciga lagu dhaqmo.

Hantida ummadda ka dhaxaysa

Musuqmaasuqa ayuu sheegay madaxwewynuhu in Soomaaliya caalamku ka qabo weji aad u xun oo ah dal Musuqa sanad kasta halka ugu xun ka gala isagoo tusaale usoo qaatay sanadkii hore, waxaana uu ballan qaadey in uu wax ka qaban doono Musuqmaasuqa isagoona ka codsaday ummadda Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa Musuqmaasuqa.

Isku soo wada duuboo Khudbadii manta uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jeediyey ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd Khudbadii ugu fiicnayn, ugu miisaanka waynayd ee uu madaxweyne la doortay u jeediyo ummadda Soomaaliyeed.

Waxay Khudbada madaxweynuhu ka dhamaystirnayn dhan walba, iyadoo abuurtay rajo ku saabsan dib u yagleelida dawladnimadii iyo haybadii ay ummadda Soomaaliyeed lahaan jirtay.

Puntlandes.com

About The Author