Daawo sawirada 9kii madaxweyne ee Soomaaliya soo martay laga soo bilaabo 1960kii ilaa iminka

22 feb 2017 (Puntlandes) Maanta oo taariikhdu ahayd 22ka feb 2017 ayaa waxaa lagu Caleemasaaray magaalo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo ah madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay usoo gudbinaysaa akhristayaasheeda Soomaaliyeed 9kaas madaxweyne oo kal ah

  1. AUN Aadan Cabdulle 1960-1967 (la Doortay)
  2. AUN Cabdirashiid Cali Sharmarke 1967-1969 (la Doortay)
  3. AUN Siyaad barre 1969-1991 (Cinqilaab Milatari ayuu ku qabsaday)
  4. Cali Mahdi 1991-1998 (lagu Doortay shir Jabuuti ka dhacay)
  5. Cabdiqaasim Salaad 2000-2004 (la Doortay)
  6. AUN Cabdulaahi Yuusuf 2004-2008 (la Doortay)
  7. Sheekh Shariif 2009-2012 (la Doortay)
  8. Xasan Sheekh 2012-2017 (la Doortay)
  9. Maxamed C. Farmaajo 2017- (la Doortay)

Daawo sawirada 9kii madaxweyne ee Soomaaliya soo martay laga soo bilaabo 1960kii

234-1b4

AUN madaxweyne Aadan Cabdulle iyo madaxweyne AUN Cabdirashiid Cali Sharmarke oo isa salaamaya xilwareejintii AUN Aadan Cadde

234-1b5

AUN madaxweyne Siyaad barre oo Cinqilaab Milatari ku qabsaday wadanka 1969kii

234-1a7

Bidix madaxweyne Cabdiqaasim, dhexda AUN madaxweyne cabdulaahi Yuusuf, bidix maxaweyne Cali Mahdi

234-1a8

Midig madaxweyne Xasan Sheekh, Dhexda madaxweynaha iminka Farmaajo, bidix madaxweyne Sheekh Shariif (Sawirkan waxaa la qaaday maanta 22kii feb 2017kii caleemasaarkii madaxweyne farmaajo)

234-1f

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay ummadda Soomaaliyeed u rajaynaysaa Guul iyo Gabonimo, waxayna leedahay “Far kaliya Far ma dhaqdo” aynu gacmaha isqabsano dhamaanteen oo ka shaqayno dalkeena wanaagiisa.

Puntlandes.com

 

About The Author