Daawo Sawirrad Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Afka Hooyo ee Gaalkacyo

23 feb 2017 (Puntlandes) FEB. 21, 2017 waxaa magaalda Gaalkacyo ‘‘Hoyga Aqoonta & Afka Soomaaliyeed’’ si weyn looga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabiyay maamulka jaamacadda Global Science, Warbaahinta Gobolka Mudug, aqoonyahano iyo dhallin yaro.

Waxaa xuska kaalin weyn ka qaatay oo fududeeyay jaamacadda Global Science, shirkadda Isgaarsiinta gayiga ee SOMTEL, HoryaalJet, shirkada AlMacruuf ikk.

Waxaa ka soo qayb galay Duqa Dagmada Gaalkacyo Maxamuud Yuusuf Tumey, Maamuleha isbitaalka GMC Dr. Dhagacadde, M/ Xigeenka shirkadda SOMTEL Cabdirisaaq Baraag, Madaxa waaxda Iibka & Suuqgaynta shirkadda SOMTEL Muuse Nuur, M/Xigeenka Golis Maxamuud Ciise, Maamuleha shirkadda AlMacruuf Yuusuf Ciise, Maamuleha jaamacadda Global Maxamed Xareed iyo aqoonyahano kale.

Waxaa suugaan ku cabbiray sida afkeena hooyo u dayacanyahay dhallinyaro maansayahano ah oo ay ugu horreeyaan Khadar A. Dhoorre, Xasan Maxamed iyo Kaafiya Cabdifitaax.

Daawo sawirrada
234-1b8

234-1b8a

234-1b8b

234-1b8c

234-1b8e

234-1b8f

234-1b8f1

234-1b8f2

234-1b8f3

234-1b8f4

234-1b8f5

234-1b8f6

234-1b8f7

234-1b8f8

234-1b8f9

234-1bc
Puntlandes.com

About The Author