Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay boqortooyada Sacuudiga

23 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday markii ay ka degeen magaalada Riyaad waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Riyad Boqor Feysal bin Bandar bin Cabdulaziz iyo Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban oo ah Wasiiru dowlaha Boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah dalka oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Kaligii Duuls foto.

2

16864681_1492289357461513_6484940473096367337_n

Puntlandes.com

About The Author