Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Lakulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

24 feb 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee madaxweynahu magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta waxa uu la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ee Devid Concar.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay Taageerida Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Kawada dhaxeeya Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Safiirka UK ee Soomaaliya David Concer ayaa sheegay in Dowlada Ingiriiska si dhow ula shaqeyneyso Ra’isul Wasaaraha iyo Xukuumada uu soo dhisi doono dhawaan marka uu Baarlamaanku ansixiyo.

Safiirka UK ayaa sidoo kale sheegay in Dowlada ingiriiska ay Soomaaliya ugu deeqday Lacag Dhan Boqol milyan oo geni oo gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, Xaalada 600.000 Caruur ay soo wajahday xaalad nafaqo daro ah.

Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada UK ay had iyo jeer la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ka mahad celiyay booqashada iyo is barashada Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya

IMG_20170224_172322

234-1c4b

Puntlandes.com

About The Author