Daawo Sawirrada Banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

24 feb 2017 (Puntlandes)Banaanbaxan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu taageeraayay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Isu soo baxan Nabadeed oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay  galay Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenadiisa, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Nabadoonno iyo dad weyne aad u fara badan.

Dadweynihii ka soo qeyb galay banaan baxan oo u badnaa haween ayaa watay calanka Soomaaliya, Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay dibadbaxaasi ayaa ka dalbaday Dowlada Cusub in ay ahmiyad gaar ah siiyaan daryeelka kor u qaadista tayada Ciidamada Qaranka.

Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Siyaasadda iyo amniga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa si wada jir ah Barlamaanka uga codsaday inay garab istaagaan Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xiligan Ummadda Soomaaliyed ay cagta saartay waddadii Dowladnimada iyo Horumarka, isla markaana ay ka gudubtay qabyaaladda, waxaana uu intaa ku daray inay taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay in xukumadda cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre looga baahanyahy inay ka soo muuqdaan wajiyo cusub oo ay noqoto dowlad wanaag.

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

29

Puntlandes.com

About The Author