Sawirro: Khuburo ka socota shirkadii dhistay Airport ka Bosso CCEECC oo kormeeray Garoonka Bosaso

25 feb 2017 (puntlandes)  Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland mudane Xasan Xaaji Siciid ( xasan Cadde) ayaa garoonka Diyaaradaha e Bosaso kusoo dhaweeyey Khuburo ka socotay Shirkadii dhistay Garoonka ee CCEECC, iyagoo u yimid inay kormeeraan xaaladda Garoonka ama indha idheeyaan 1 sano kadib markii ay dhiseen.

Khubarada aya aad bayna ugu qancay kormeer ay ku sameeyeen Garoonka Casriga ah ee xarunta Ganacsiga Puntland Bosaso.

Wasiir Xassan wuxuu sidoo kale ayaa sheegay in uu jiro qorshe ay isla wadaan Wasaaradda Iyo shirkadaha diyaaraha ee Puntland yimaada oo ah sidii loogu diyaar garaabi lahaa Qurbojoogta xiliga xagaaga wadanka imaanaysa.

Qurbojoogta Dalka imaanaysa Waxaan u diyaarinay koox (team ) Airport ka Tirsan oo ka si gaar ah u caawisa Dadka qurbaha ka imaanaya gaar ahaan hooyooyinka caruurta wata iyo Dhalinyarada wadanka imaanaya markii ugu horaysey Waxaana isla kaashanaynaa Xafiiska Arrimaha Qurboogta Puntland buu yiri Mudane Xasan Cadde.
234-1e1

234-1e1a

234-1e1b

234-1e1c

234-1e1e
Puntlandes.com

About The Author