Daawo Video: Aaranjaan oo afka furay Wasiirkii Hore ee Maaliyada Puntland oo Sheegay in Puntland Hogaan Cusub & wada Tashi u baahantahay (FAALLO)

25 feb 2017 (puntlandes)  Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ahna hogaamiyaha Kooxda Aaarnjaan ayaa  isaga iyo wiilka uu dhalay ee Maxamed Cabdiraxmaan Faroole waxay Garowe ka wadaan olole ay isku dayayaan inay ku mijo xaabiyaan dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo Muqdisho arinkaas uga soo tagay.

234-1e3

Mr Faroole iyo Wiilkiisa ayaa waxay maanta Muuqaal lagu faafiyey baraha Bulshada kasoo duubeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali shire oo 5 sano wasiir u ahaa Faroole iyo Wiilkiisa Maxamed markii ay xukuxeen Puntland.

Dawladii Faroole uu madaxweynaha ka ahaa waxay Puntland u gaysatay dhibkii ugu badnaa ee abid soo mara inay maanta Kooxda uu horboodayo Faroole ee Aaranjaan ay ku doodaan waxaan Puntland ka badbaadinaynaa Dr Gaas yaa loo sheegayaa ma dad dhashay intii Xukunka laga tuuray mise reer Puntland kii ogaa?

Hadalada maanta loo soo dhiibay Faarax waxaa ka mid ahaa ”inay Puntland wiiqantay midnimadeedii” oo yaa wiiqay oo abuuray Khaatumo, West Puntland iyo Raascacasayrland?, ma Faroole Xukuumadiisii mise Gaas? Goormaa Faroole ka shaqeeyey midnimo Puntland inuu kala Cayriyo maahee?

Mudane Faarax ayaa intii uu u ahaa Wasiirka Maaliyadda Faroole waxa uu caan ku ahaa Musuqmaasuq isagoo mudo yar oo kooban ku gatay Hotel ku yaala Magaalada Bosaso, waxaa kaloo uu caan ku ahaa u dhago NUGLAANTA iyo Adeecidda Faroole iyo Wiilkiisa Maxamed ilaa maanta uu sidaas ugu dhago nugul yahay.
Aaranjaan oo Afka furatay “18sano ka Dib, Fashil Puntland Lama qaadi karo”

Dhawaan ka filo Warbaahinta Puntlandes Xoogo ku saabsan isku dayada ay Aaranjaan wado oo ay ku quuldaraynayso inay mar kale Xukunka lasoo wareegto iyo Qorshayaasha dadka reer Puntland lagu jaha wareerinayo ee ay wadaan Faroole iyo Wiilkiisa.
Puntlandes.com

About The Author