Digreeto Maanta Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Lagu Magcaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland

234-1e5

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  digreeto xeer  Madaxweyne Lr.18 ee February 24 2017 kuna saabsan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:         Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:         Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey  muhiimada ay leedahay magcaabistiisa Agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magcaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
  2. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta oo ay taariikhdu tahay 24 February 2017.

234-1e4

Puntlandes.com

About The Author