Daawo Video-Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo faahfaahiyey Sacuudiga oo mashaariic ka fulin doonta dalka & RW Cusub ee uu magacaabay

25 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaana uu la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay,  isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku  ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo  dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo sharxaya sabata uu ku xushay RW Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shakhsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

“Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shakhsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo,  isla markaana  ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan  afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu  igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la  soo dhisi doono garab istaagaan,  si loo dardargeliyo howlaha adag  ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan.

Daawo Muuqaal uu madaxweyne Farmaajo kaga hadlayo arimahan

0J1A0384

0J1A0392

IB0A1083

IB0A1176

Puntlandes.com

About The Author