Raysul Wasaarha Soomaaliya oo safiirka Turkiga ka gudoomay Dhambaal uu soo diray RW Turkiga

26 feb 2017 (Puntlandes) Raysul Wasaarha Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shalay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya waxa uu ka gudoomay Dhambaal uu soo diray Raysul Wasaarha dalka Turkiga.

234-1e7

Qoraal kooban oo safiirku soo dhigay twitterka safaarada ayaa ku sheegay in Raysulwasaare Xasan Cali Khayre u gudbiyay fariin uu uga waday Raysulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim. Safiirku waxa uu qoraalkiisa ku xusay in Raysulwasaaraha ka wada hadleen xaaladaha sida deg dega ah ugu baahan in wax looga qabto.

Puntlandes.com

 

About The Author