Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Kalluumaysiga & Jiriifka By Daahir Cabdulkadir Axmed (Daahir Afloow)

26 feb 2017 (Puntlandes) Baddeena Allah waxa uu ku manaystay oo dhex ceegaaga Khayraad fara badan oo aan lasoo koobi karin, taasoo ay tahay wax laga naxo inaynu ka Gaajaysan nahay oo aynaan lasoo baxayn baryeynana Ajanabi Baddeena ka Boobaya Khayraadkeena.
234-1e8a
Agaasime kuxigeenka PLTV Cabdulqaadir Axmed  (Daahir Afloow) ayaa ka diyaariyey Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Kalluumaysiga & Jiriifka, waxaana tusaale cad kuugu filan oo aad ka daawan kartaa barnaamijka nin la yiraahdo Khaliif oo Degmada Bandar Bayla Shabaqad inta uu ku tuuro badda kasoo saaraya kadib ay usoo galayso 10 Xabo oo Kalluun ah waa wax ka yar 4 Daqiiqo.

Aduunka daafihiisa ayaa Rag iyo Dumar waxay uga soo tagayaan inay Boobaan Khayraadka Baddeena Allah ku manaystay inana Gaajo ayaan la ildaran nahay waxaana baryaynaa kuwa Baddeena dhacaya, soow maaha wax laga xumaado arinatani.

Soomaliyeey aynu wax ka bedelno dhaqankeena dibna aynu u eegno Khayraadka dalkeena dhex ceega, kana abuurno dalkeena NABAD iyo Harumar taasoo lagu gaari karo dawladnimo iyo Wadashaqayn.

Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Kalluumaysiga & Jiriifka By Daahir Cabdulkadir Axmed (Daahir Afloow)

Puntlandes.com

About The Author