XOG: Aaranjaan oo Siciid Dani Malayshiyo Beeleed uga qoraysa Garowe si Qas looga abuuro & Dam Jadiid oo ku lug leh

26 feb 2017 (Puntlandes)  Siyaasi Siciid Dani o oka mid ah Siyaasiyiinta kusoo Fashilmay Doorashadii Federaalka ee Muqdisho ka dhacday dhawaan ayaa kusoo wajahan Caasimadda Puntland ee Garowe sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

download

 

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ahna hogaamiyaha Kooxda Aaarnjaan oo kaashanaya wiilka  uu dhalay ee Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxay iminka ka wadaan Caasimadda Puntland ee Garowe Qorida Ciidan Beeleed ama Malayshiyo Beeleed ay iu qoraan Siciid Dani oo markii uu kusoo Fashilmay Muqdisho doonaya isagoo ay isgarabsanayaan Kooxda Aaranjaan inuu Qas iyo Qalaase ka abuuro Caasimadda Puntland ee Garowe.

maxamed-faroole1

 

Siyaasi Siciid Dani ayaa waxa uu Xubin ka yahay Kooxdii looga Guulaystay Doorashii Muqdisho ka dhacday ee DAMUL JADIID, sawirka hoose Faaraxa Cabdulqaadir oo Amraya Siciid Dani. Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo war gal ah oo lagu kalsoon yahay ka heshay in ololaha ay Hormuudka u tahay Kooxda Aaaranjaan ee Faroole ay qayb wayn ka tahay kooxdii looga Guulaystay Doorashii Muqdisho ka dhacday ee DAMUL JADIID taasoo doonaysa inay ka aarsato madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo doorkii uu ka ciyaaray in laga takhaluso kooxda dam Jadiid loogana Guulaysto Doorashada oo uu madaxweynaha dalka ku Guulaystay Maxamed cabdulaahi farmaajo.

234-1c9

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG ku ogaatay in Siyaasiin badan oo Muqdisho ku Fashilmay oo reer Puntland ah iyo Kooxda Dam Jadiid ay Muqdisho shir ay ku yeesheen kuna sameeyeen isxulufaysi ay ku doonayaan ama isku dayayaan inay ku mijo xaabiyaan dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Kooxda Dam Jadiid oo doonaysa inay hal dhagax laba shimbirood ku disho ayaa ka taageeraysa Siyaasiyiinta reer Puntland dhanka dhaqaalaha, iyadoo si aad u ah u danaynaysa inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Gaas kana abuuraan Puntland Qas iyo fawdo tan labaad oo ah inay Isbaaro u dhigtaan inuu hanaqaado Federaalka ay Soomaaliya ku heshiisay.

Mr Faroole iyo Wiilkiisaa yaa waxay Guri uga Kireeyeen Siciid Dani Caasimadda Puntland ee Garowe waxayna iminka ku gudo jiraan Qorida Malaysho Beeleed uu leeyahay Siciid Dani waxa Qorshahoodu yahay inay Qas iyo Qalalaase ka abuuraan Caasimadda Puntland ee Garowe .

Kooxda Aaranjaan ayaa Muuqaal lagu faafiyey baraha Bulshada kasoo duubeen maanta Wasiirkii hore e Maaliyadda Puntland Faarax Cali shire oo 5 sano wasiir u ahaa Faroole iyo Wiilkiisa Maxamed markii ay xukuxeen Puntland, halka ka akhriso kana daawo Faaalo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay.

Dawladii Faroole uu madaxweynaha ka ahaa waxay Puntland u gaysatay dhibkii ugu badnaa ee abid soo mara inay maanta Kooxda uu horboodayo Faroole ee Aaranjaan ay ku doodaan Puntland ayaan badbaadinaynaa waa wax lala yaabo, waxaase su’aal ah yey ka badbaadinayaan Puntland?

Dhawaan ka filo Warbaahinta Puntlandes Xoogo ku saabsan isku dayada ay Aaranjaan wado oo ay ku quuldaraynayso inay mar kale Xukunka lasoo wareegto iyo Qorshayaasha dadka reer Puntland lagu jaha wareerinayo ee ay wadaan Faroole iyo Wiilkiisa.
Puntlandes.com

About The Author