Sawirro-Faallo: Af-gambigii Aaranjaan ee Farole & Farah Ali Shire oo Fashilmay Maanta

26 feb 2017 (Puntlandes) Ciidamo qabiil ayaa maanta Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga saaray.

234-1f1

 

Ciidamadan oo watay baabuurta Gaashaaman, kuna hubaysnaa hub culus ayaa xanibay jidka dheer ee Laamiga ee hore mara Baarlamaanka, iyagoo joojiyay isu socodkii Baabuurta iyo dhaqdhaqaaqii wadada ugu muhiimsan Caasimadda Puntland ee Garowe.

234-1f2

Khuburi ku xeel dheer arimaha Amniga ayaa warbaahinta Puntlandes oo wax ka waydiisay waxay ku fasireen inuu dalka ka dhacay Inqilaab fashilmay oo la doonayey in lagu Afgambiyo dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay madxaweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,

Inqilaabkaas waxaa fuliyay rag uu ku jiray Madaxeynihii hore ee Puntland Abdirahman Faroole, wiilkiisa Mohamed iyo Farah Ali Shire, kaas oo dowladnimada iyo sumcada  dowlada Puntland hoos loogu dhigi laha.

234-1e3

Arrintan waxay ku soo aadaysa maalmo kadib markii Abdirahman Faroole kusoo laabtay Garowe war-baahintana usoo mariyey hadalo dacaayad ah mas’uuliyiinta dowlada, inaga oo xasuusana hagar daamooyinkii uu Faroole u gaystay Puntland gaar ahaan curyaamintii dhaqaalaha, musuqmaasuqii ay caanka ku ahaayeen isaga iyo qoyskiisa iyo Golaha Wasiiradiisa.

Sidoo kale waxa ay kusoo aadaysaa maalin ka hor markii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlay warbaahinta uu eedaymo culus u soo jeediyay maamulka madaxweyne Gaas, islamarkaana uu ku tilmaamay xaalada Puntland mid burbur ah.

Wasiirka ayaa muddo 5 sanno wuxuu ahaa wasiirkii maaliyada ee xukuumadda Faroole, waxaana loo tiriyaa inuu ka mid ahaa masuuliyiintii boobay hantida Qaranka Puntland mudadii ay xilka hayeen.

Isku dayga afgambi ee Garowe ka dhacay wuxuu kusoo aadayaa waqti Madaxweyne Gaas Bosaso ku sugan yahay, wadanka ay ka jirto abaar lagu tilmaamo simman oo dad iyo duunyoba halis gelisay.

 

Puntlandes.com

About The Author