DEG DEG: C/kariim oo ku dhawaaqay inuu iska casilay madaxweynaha Galmudug

26 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Xildhibaanada maamulka Galmudug iska ka qaadeen laakiin ka biyo diiday xilka qaadkaas ayaa iska casilay xilkii madaxweynaha Galmudug.

234-1f3

Guuleed oo haatan ku jira Isbitaal ku yaal dalka Hindiya, ayaa la sheegay inuu isku casilay arrimo la xiriira Caafimaadkiisa.

Baarlamaanka Galmudug ayaa hore cod aqlibayad leh xilka uga qaaday Madaxeyne Guuleed taasi oo uu isna sharci daro ku tilmaamay, diidayna inuu aqbalo.

Iscasilaadiisa Guuleed waxay kusoo aadaysa iyado indhoweyd ay Cadaado ka socdeen qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale iIscasilaadiisa Guuleed ayaa ah mid la sugayey maadaama Doorashadii Soomaaliya looga guulaystay Saaxiibkiisa ay isku Kooxda Damul Jadiid yihiin Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author