Sawirro: Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Xildhibaanada Beelaha Hawiye

26 feb 2017 (Puntlandes) Kulankaan oo uu manta Ra’iisul wasaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre uu la qatay Xildhibaanada Beelaha Hawiye ee ka tirsan baarlamanka Soomaaliya wuxuuna ka codsaday in ay codka kalsoonida siyaan marka uu hortago Golaha shacabka Soomaaliya si uu ugu adeego Dalka, isla markaana ay tageeraan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa illaa 55 Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, waxaana kuwa ka maqan la sheegay inay dibadda fasax u aadeen.

Xildhibaanada Beelaha Hawiye ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda hor-geeyo Baarlamaanka, sii u weydiiso in la siiyo codka kalsoonida.

Puntlandes.com

About The Author