Dhagayso-FAALLO: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo digniintii ugu cuslayd u jeediyay Kooxda Aaranjaan Qaswadayaasha ah

26 feb 2017 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Gobolka Nugaal mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa maanta u jeediyey digniintii ugu cuslayd Kooxda Aaranjaan ee Qaska iyo Qalaasaha ka wada Caasimadda Puntland ee Garowe.

234-1f6

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dadka ka shaqaynaya xumaha Puntland aan la dhagaysan, loona baahan yahay in shacabka iyo qof walba uu nabadda ka shaqeeyo.

Gudoomiye Cumar ayaa maruu ka hadlayey Dhibaatadii dalka ka jirtay markii ay Kooxda Aaranjaan xukumaysay dalka waxa uu yiri ”…hada ka hor Ciidamada Puntland ayaa waxay qabsadeen Dekedda Bosaso oo isha Dhaqaalaha ee ugu wayn Puntland ah iyagoo Mushahaar ka cabanaya waxaana Wasiirka Maaliyadda ahaa Faarax Cali Shirre oo shalay hadlay, maalintaas ayey ahayd inuu yiraahdo dawladu waxay ku fashilantay dhaqaalihii, maanta iyadoo system jiro oo shaqadii ay socoto inuu ka hadlo waa hubaa inaan la GARAYSANAYN…dadka reer Puntland gaar ahaan kuwa Caasimaaddana garaysan mayaan..”

Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ah oo ay Aaranjaan horboodayso ayaa waxay kusoo fashilmeen Muqdisho Doorashii ka dhacday, kadibna waxay ku heshiiyeen in Qas iyo Qalalaase laga abuuro Puntland, iyadoo taageero dhaqaale laga helayo Kooxda Dam Jadiid ee looga adkaaday Doorashadii Muqdisho.

Shacabka reer Puntland ee oo ah shacab dawladnimada jecel lehna Dulqaad bilays ayaan ahayn shacab ay qaldi karaan Aaranjaan oo lasoo arkay dhibaatadii ay dalka geliyeen mudadadii 5ta sano ahayd ee ay xukumayeen.

Dhagayso Digniinta aadka u culus ee Gudoomiye Farawayne u jeediyey Aaaranjaan


Puntlandes.com

About The Author