Bosaso oo ku haboonaatay meel dawladu si degan ugu sii shaqayn karto

26 feb 2017 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ooah xarunta Ganacsiga ee Puntland ahna haddii si kale loo sii fiirsho meel ay Soomaalidu ku dhan tahay, ayaa waxa iminka Nabiid u yeelatay inay noqoto meel ku haboon inay dawlada si degan ugu sii shaqayn karto.

234-2a2

Arintaasi waxay keentay ama abuurtay in Hoteetadii Bosaso baryahaan dambe boos ama meel la seexdo laga waayo. Mid ka mid ah mulkiilayaasha Goobaha laga Cunteeyo ee Bosaso oo ay Warbaahinta Puntlandes la xariirtay isbedelka laga dareemayo Bosaso ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in Macaamiishoodii maalinlaha ahaa ay afar jibaarmeen ayna dareemayaan isbadel aad u wayn oo xaga dhaqaalahooda ah.

234-1c4

Wararka kale ee ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes magaalada Bosaso ayaa waxay sheegayaan in ay saxmad ballaaran oo aan waligeed hore usoo marin ay ka jirto Madaxtooyadda Puntland ee Bosaso, halkaasoo sida ay wararku nagu soo gaarayaan ay ka jirto isku shaandhayn ballaran oo uu madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku samaymnayo Golihiisa Wasiirada.

Arintaasi waxay kaloo sii kordhisay Ciriirigii ka jiray xagga jiifka Hoteelada waxaana la sheegayaa in Hoteelada, Maqaayadaha, Goobaha lagu Shaaheeyo, Goobaha Qaadka, Gadiidka dadweynaha, Tagaasida iyo guud ahaan Ganacsiga kala duwan ee ka jira magaalada Bosaso ay dareemayaan koror dhaqaale aad u baaxad wayn oo aan hore usoo marin.

Puntlandes.com

 

About The Author