Daawo Muuqaal Ciidankii ay Aaranjaan Fawdada uga abuureen Garowe oo si xun ula dhaqmaya wasiirka C/maadka Puntland

26 feb 2017 (Puntlandes) Ciidankii ay maanta soo abaabushay Kooxda Dhiigmiiratada ah ee Aaranjaan si ay Fawdo uga abuuraan Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxay si xun ula dhaqmeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke.

234-2

Ciidankan ay Kooxda Aaranjaan soo abaabushay ayaa waxaad ka daawan kartaan muuqalka iyagoo jiidaya Wasiir Cuuke qorina ku taagaya, oo ah Wasiir kasoo jeeda Garowe iskuna dayey inuu ka shaqeeyo in Ciidanku ka baxaan Goobta.

Dhanka kale waxaa Digniin Culus u jeediyey Kooxda Aaranjaan iyo Fawdada ay ka abuurayaan Caasimadda Puntland ee Garowe Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa magaalada Garowe, iyagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin Siyaasiyiinta Fashilmay ee fawdada ka abuuraya Caasimada Puntland ee Garowe.

Puntlandes.com

About The Author