Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Mudug oo la dhaawacay

27 feb 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Kilwe Maxamed Aaden Seed ayaa galabta lagu dhaawacay isagoo kasoo baxay Masaajidka Dulqarneyn ee xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu salaadii maqrib kusoo tukaday.

234-2a8

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa la sheegayaa in ay weerareen dabley hubeysan waxaana soo gaaray dhaawac iyadoo loola cararay Goobaha Caafimaad.

Laamaha Amniga ayaa wali wada baaritaan mana jirto illaa iyo iminka cid loo qabtay weerarka lagu qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author