Maqaal Xiiso badan: Damacii Aaran-Jaan iyo Odoygoodii oo Hungoobay.

1 marso 2017 (Puntlandes) Waxaa beryahan dembe saxaafadda ka waday hadalo kicin shacab iyo amni xumo xambaarsan kooxo siyaasiyiin ah oo ku soo fashilmay hankoodii madax raadiska ahaa oo ay Xamar kaga soo hungoobeen.

234-1e3

Waxaan maqli jiray masaska qaar ayaa jira marka ay la waayaan qaniinyada wixii ay la rabeen iyaga is qaniina oo iskala gooya caro darteed.

 

Waxaan leeyahay ragga noocaas ah 22 bilood kadib waxaad si la mid ah sidii Xamar idinkaga dhacday ugu hungoobi doontaan Puntland doorashadeeda ee la socda oo sii ogaada taas.

124e

Maamulkii Faroole hoggaaminyay 4 sanno ayaa si sharci ah loo doortay sida la ogyahay isaga iyo gurboodkiisu oo xumaaan kasta dalka ku sameeyay ayaa dulqaad loo muujiyay oo si fiican loola shaqeeyay. Markii sanadkii 5aad la galay oo doorasho loo diyaar garoobay ayuu Faroole yiri anigaa iska kororsaday, dadka reer Puntland ma ahayn arrin ay u fadhiyeen, Waa ayaa ku beryay, shacabka reer PL oo ah dad nabad gelyo waxay si deg deg ah go’aan u qaateen in odayga isu kordhiyay loo daayo oo nabad gelyo lagu bedesho sanadka iyadoo la dhowrayo danta guud ee dadka iyo dalka.

124f

Duqa Faroole kuma harin sanadkii boobka ahaa ee waa is-mahadiyey oo wuxuu damcay inuu xeeladaysto xukunka, wuxuu sameeyay 4 Xisbi oo isaga iyo kooxdiisii Aaran-jaan madax ka yihiin, inkastoo Saddex Xisbi uu si maqaar saar uu dad kale ugu magacaabay, shacabka PL goob joog ayay u wada ahaayeen wixii dhimasho, qas iyo jahwareer siyaasadeed ka dhacay, waxaana khatar loo gaaray in gobolada PL kala googa’aan.

234-2a2

Waxaad wada ogtihiin siduu gobolada iyo magaalooyinka PL u maamulay, haddaan tusaale u soo qaato magaalo ganacsiyeedkii Puntland ee Bosaso wuxuu ka tarxiilay 26 hay’adood oo si khasab iyo amar ku taaglayn ah ugu raray Garoowe, wuxuu shaqo la’aan dhigay tiro dad ah oo dhan 780 qof oo Bosaso keliya ka shaqaynayay isagoo ku amaray inay shaqaalaha Garoowe ka qortaan maxaa yeelay wuxuu yiri ma damaanad qaadi karno shaqaalaha aad Bosaso kala timaadaan, wuxuu kiro tiray in ka badan 100 guri oo qaarna ahaayeen xarumaha hay’adaha, qaarna shaqaaluhu degaan ahaan u deganaayeen.

 

Wuxuu hay’adaha u bahalo galiyay dhammaan magaalooyinka ku yaal Puntland isagoo yiri meel aan Garoowe ahayn kuma dhixi kartaan.

 

DILALKA QORSHAYSAN.

 

Waxaad ogtihiin inay dilalkii ugu badnaa PL ka dhaceen xilligii xukuumaddii Faroole talada haysay.

 

Yaa dillay Alla ha u naxariistee

  1. xildhibaan Sheybe Sheekh Maxamud
  2. Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab.
  3. G/Xare Nadalo (Derejo qaran)
  4. Eng C/qaadir Bulxan Cismaan (Dil toos ah) iyo qaar kale oo badan.

 

Haddaba marka ay maanta kooxdii Aaranjaan iyo Faroole af ay noo hadal yiraahdeen Faarax Cali Shire oo la wada ogaa dharbaaxada iyo dhibaatadii uu ku hayey Maxamed Cabdiraxman Faroole, isna uu ka aqbalay inuu microphone u noqdo waa dadnimada xumadiisa.

 

DHAQAALAHA.

Markii Faroole la wareegey xukunka, dalku waa buuxay oo barwaaqo ayuu ahaa qof walbi hortiisa ayuu ka dhergi jirey. Hal mar ayuu wuxuu kordhiyey Cashuurtii 100% oo dadka jeebabkooda kala baxay wixii ugu jirey ee hanti ahaa, taasoo keentay in Ganacsatadii PL ka qaxaan dadlka ilaa Afrikada Galbeed u kala cararaan, kuwana ay cayr noqdeen oo ay hadda qadadii la’yihiin.

 

Dhanka mushaharka shaqaalaha  wuxuu la dhacay 13 bilood ciidamaduna kaba badan, wiilka Faarax Cali Shire markii uu ahaa wasiirka maaliyadda waa tii ciidanka difaaca buuraha Galgala uu xitaa gabay inuu mushaharka siiyo oo ay ciidamadu Dekedda xirteen iyagoo soo guurey. xishood oo afkaaga hayso kan rayso dharabaxaadii quureed ee Maxamed C/raxmaan.

 

Habaynta iyo Isku dirka Qabaa’ilka.

 

Waxaad la socotaan dagaaladii gobolka Bari uu ka aloosay iyagoo qaar ka mid ah B/buurtii dagaalka ee M/tooyadu inay ka qayb galeen sida tuulada Kob-dhexaad oo arooryo lagu laayay dad waayeel iyo carruuro ah, Qardho dagaaladii la damin waayey, dagaaladaasi dhamaantood waxay istaageen markii xukunka laga adkaaday.

 

Gabagabadii.

234-1f1

Kooxdii faroole hogaamiyaha u ahaa maatay ayay ugu darnaayeen oo waxay is-hortuumiyeen dhismaha Gollaha Wakiiladda ee Garoowe, dadweynuhu waxay la yaabeen damaca doqonimo ee kooxda Aaran-jaan iyo odoygooda.

 

Ha ogaadeen kooxdu in haddii ay qaska PL sii wadaan inay Garowe keliya ku ekaan doonaan oo aan mar dambe jumladii (Puntland oo dhan) ay heleen 8 sanno ka hore aanay dib u helayn. Gobol-gobol ay sheekadu noqon doontaa Nin Walba Awrkiisy ha Qaado.

 

W/Q: Cabdiraxman Maxamed Yuusuf.

About The Author