Dhagayso: Guddoomiyaha & Waxgaradka Gobolka Bari oo ka hadlay Xaalada Amni una digay Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ah ee Puntland

1 marso 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacay Dhedo ayaa ka hadlay xaalada Amaan iyo hawlgaladii ay ciidanku ka sameeyen Bosaso.

234-2a2
Gudoomiye Dhedo ayaa shacabka ugu baaqay in ya shaqeeyaan amniga Puntland, cid kastana uu waajib ka saaran yahay ka shaqaynta Amniga.
Guddoomiyaha gobolka Bari

Dhanka kale Waxgaradka Gobalka Barri ayaa shir xasaasi ah oo ay yeesheen Bosaso waxay uga wada hadleen sidii nabadda looga shaqeyn lahaa, waxayna fariin xasaasi ah u direen cid kasta oo doonaysa in ay fidno iyo nabad la’aan ka abuurto Puntland.

Nabadoonada ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Bosaso nabadeeda cid gaar ah ku ciyaarto, waxayna sheegeen in ay Bosaso ku nool ihiin Shacab Soomaaliyeed oo kala duwan ayna dhamaantood nabad iyo daganaansho diyar u yihiin.
Odoyaasha gobolka Bari

Puntlandes.com

 

About The Author