Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya

1 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga Koobaad ee golaha Shacbiga Soomaaliyeed,  isla markaana golaha horgeeyey Ra’iisul wasaarahiisa.

Kalfhiga Koobaad ee Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxaa soo xaadirtay 231, mudane xubaha golaha shacabka, waxaana  yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Khuddiisa furitaanka ee Destuuriga ka jeediyey, isla markaana hor keenay Ra’iisul wasaaraha Kalsoonida ay siiyeen golaha  Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliyeed, mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa haddal jeedinta soo dhoweynta madaxweynaha golaha  ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo u badan yahay dhallinyaro aqoonyahanno oo u diyaar ah in ay si hagar la’aan ah uu ula shaqeeyaan, madaxweynaha  Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, iyagoo  wakiillo ka ah dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Khubadda Destuuriga ee Madaxweynaha ka hor waxaa lagu daah-furay Heesta Calamka Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliyeed, sida ay ugu turjumeen rabitaanka  shacabka, madaxweynaha, ayaa sheegay in Barnaamijkiisa Nabad iyo Nolol uu sal u yahay, xaqiijinta nabad-galyada dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo horumarinta adeeg walba oo dowladda looga baahan yahay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ballan-qaadey  in dowladdiisa ay abuuri doonto mashaariic waa weyn oo wax looga baddelayo nolosha xldhibaannada  labada aqal, isla-markaana ay ku dedaali doonaan in dadweynaha la  fahamsiiyo muhiimadda ay dalka u leedahay bixinta canshuuraadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, mudane Farmaajo, ayaa  ayaa ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed ay in ay isu gurmaadaan, gaar ahaan kuwa abaaraha ay saameeyeen, sidoo kale waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega qaar ka mid ah degmooyinka dalka, gaar ahaan Marka iyo Cadalle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Qaranka, ayaa ugu duceeyey dalka, dadka iyo dowladduba in ay guuleystaan, isla markaana uu furan yahay Kalfadhiga koobaad Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author