Dhageyso: Cod sir ah oo laga helay Feysal Cali Waraabe, sir badana oo uu banaanka soo dhigay…

1 marso 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa shir gaar ah oo uu la qaatey ardaagiisa hoose waxa uu uga sheekeeyey qorshaha xisbiga iyo dadka ay doonayaan in ay wax la qaybsadaan.

234-2c6

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbigiisu aanu lahayn xulofo, laakiin gundhigiisu ahaa qoyska hoose ee uu ka soo jeedo Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad u sharaxan Madaxweyne ayaa codkan la helay uga sheekeeyey qabiilada ay bartilmaameedsanayaan ee ay ugu tala galeen Madaxweyne ku-xigeenka, iyo jagooyinka kale ee muhimka ah sida guddoomiyaha Aqalka sare.

Faysal Cali waraabe ayaa codkan ku sheegay in wadahalka Dhulabahante iyo Somaliland isaga yahay ninka ka dambeeya.

Faysal Cali waraabe ayaa sheegaya inuu:

  • Beelaha Hartiga ka dhigayo madaxwayne kuxigeen
  • Beesha Arab ka dhigayo Gudoomiyaha Golaha Guurtiga
  • Beesha Harjeclo ka dhigayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID
  • Beesha Ciise Gudoomiye kuxigeen 2aad ee Baarlamaanka

Hoos ka dhageyso codka Feysal Cali Waraabe

Puntlandes.com

 

About The Author