Dhagayso: Waxgaradka Gobolka Mudug oo u digay Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ah ee Puntland

1 marso 2017 (Puntlandes) Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa dhacay kullan ballaaran oo looga arrinsanayey xaaladda guud ee Puntland, gaar ahaan Siyaasiyiin isku dayey inay Qas iyo Qalalaase ka abuuraan Puntland.
234-2c7

Kullankaas ayaa waxaa waxgaradka Gobolka Mudug kala qayn galay madax ay ka mid ahaayeen Duqa degmada Galkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey) iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamuud Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo ka jeediyey khubado aad xamaasad u lahaa ayna ugu digeen Siyaasiyiintaas Qaswadayaasha ah.

Shalay ayey ahayd markii sidaas oo kale ay Waxgaradka Gobolka Karkaar ugu digeen Siyaasiyiintaas Qaswadayaasha ah oo intooda badan ka tirsan Kooxda ma naxayaasha ah ee AARANJAAN oo uu odayga u yahay Cabdiraxmaan Faroole madaxweynihii hore ee Puntland. halkan ka daawo kullankaasi.

Dhagayso khudbadihii kullanka


Puntlandes.com

About The Author