Sawirro: Wasaarada Deegaanka Puntland oo Nairobi kusoo bandhigtay Qorshaheeda Hormarinta 2017-2022.

2 marso 2017 (Puntlandes) Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ayaa Magaalada Nairobi kusoo bandhigtay qorshaha hormarinta wasaarada ee shanta sano (2017-2022) Waxaana qorshahaan oo ay mudooyinkii ugu danbaysay Wasaaradu ku mashquulsanayd lagu soo bandhigay shirwayne caalami ah oo ay Wasaaradu soo qaban qaabisay kaas oo ay kasoo qaybgaleen deeq bixiyeyaasha iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaarada oo ay kamid yihiin Care International, ADDESO, UNDP,GEF, FOA/SWALIM, ILO, Bangiga Aduunka iyo Hay’ado kale.

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo qorshaha shanta sano ee wasaarada soo bandhigistiisa ka hadlay ayaa sheegey in qorshahani uu waxwayn ka badali doono habsami u socodka wasaarada, islamarkaasna uu xoojin doono doorka dawlada iyo bulshada ee ilaalinta, Xanaanaynta iyo dhowrista Deegaanka, Wasiirku wuxuu sheegey in qorshahaan samayntiisa si fog looga baaraan dagay laguna mashquulsanaa samayntiisa labadii sano ee lasoo dhaafay, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in qorshaha hormarinta Wasaaradu uu sidoo kale waxwayn ka gaysan doono barnaamijka guud ee dawlada Puntland ay ku hormariso dhulkeeda.

Dr. Cali Cabdullahi Warsame wuxuu sheegey in wasaaradu ay shanta sano ee soo socota ay rajaynayso inay waxbadan ka qabato Ka faa’iidaysiga biyaha roobka, la tacaalida isbedelka cimilada iyo la qabsigeeda, xoojinta iyo fulinta shuruucda Deegaanka, Maaraynta Khayraadka dabiiciga ah, hormarinta iyo dardargelinta Dalxiiska iyo Ugaarta, Wasiirka Deegaanka ayaa sheegey in dhamaan arimahaas ay rajaynayaan inay shansano dhamaato iyagoo laga gaaray guul wayn  taas oo Guul u noqonaysa Puntland iyo guud ahaan Soomaalida.

Soo bandhiga qorshaha hormarinta Wasaarada Deegaanka oo lagu mashquulsanaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhanka Wasaarada uga qaybgalay agaasimeyaasha Qorshaynta, la qabsiga isbedelka cimilada,  Maamulka iyo Maaliyada, Khabiirada wasaarada la shaqeeya, waxaana ka hadlay wakiilo ka socday dhamaan hay’adihii shirkaas lagu casumay deeq bixiyeyaal iyo xubno kale kuwaas oo soo dhaweeyey qorsha wasaarada sheegayna inay si dhow ula shaqayn doonaan.

234-2c8

234-2c8a

234-2c8b

234-2c8c
Puntlandes.com

About The Author