Daawo Dood aad u xiiso badan oo ku saabsan Waxqabadka Xukuumadda Puntland, Carqabadaha & Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ah

5 marso 2017 (Puntlandes) Xukuumada iminka talada haysa ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxay tahay Xukuumadii ugu waxqadabka badnayd ee abid intii ay jirtay soo martay Puntland.

4

Xukuumaddan ayaa waxay wax wayn ka qabatay Kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo dhistray ama gacmaha ku haysa:

  • Garoomo Diyaaradeed (Qaar waa waa dhamaadeen, qaarna waa gabo gabo, qaarna jidka ayey kusoo jiraan)
  • Wadooyin Halbowle u ah dalka (Dhamaantood meel wacan ayey marayaan
  • Buundooyin Wadooyinkeena
  • Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo
  • Jaamacadda Maakhir
  • Dhismayaal dawladeed oo aad u faro badan
  • Biyo Xireeno

Garoomo Diyaaradeed

  1. Garoonka Diyaaraddaha ee Bosaso waxaa loo dhisay soi Casri ah oo wax walba u dhamaystiran yihiin
  2. Garoonka Diyaaraddaha ee Caasimadda Garowe waa gabo gabo,
  3. Garoonka Diyaaraddaha ee galkacyo dhawaan ayey hawshiisu bilaabanaysaa

Wadooyin Halbowle u ah dalka

  1. Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo meel fiican ayey maraysaa
  2. Wadada Garowe iyo Gaalkacyo meel fiican ayey maraysaa
  3. Wadada Wadaagsin ee Garacad iyo Galdogob waxaa la dhisay Qayb ka mid ah Wadada Wadaagsin oo dhererkeedu yahay 56km
  4. Dhismaha Wadooyinka gala Madaxtooyadda dawlada Puntland ama Gudaheeda ah
  5. Wadada Eyl iyo Dangorayo meel fiican ayey maraysaa
  6. Wadada Boaso iyo Qandala dhawaan ayey bilaabanaysaa
  7. Wadada Buuhoodle iyo Gaalkacyo dhawaan ayaa la bilaabayaa

Buundooyin Wadooyinkeena

  1. Dib u dhiskii Buundadii Midigar ee Wadada dheer ee isku xirta Caasimadda Garowe iyoxarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso
  2. Dib u dhis Buundooyinka aaga Buuraleyda Bosaso (Meer meerka)

Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo

Xukuumada iminka talada haysa ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay dalka ka dhistay Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo deegaanada Puntland laga soo bilaabo xiligii Xoriyadda la qaatay ilaa iminka.

Jaamacadda Maakhir

Xukuumadda Puntland ayaa magaalada Badhan waxay ka wadaa dhisme Jaamacadda Maakhir oo iminka maraya heer gabo gabo ah.

Dhismayaal dawladeed oo aad u faro badan

Xukuumada iminka talada haysa ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Caasimadda Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland ka fulisay mudadii ay xilka haysay Dhismayaashii dawladeed oee ugu badnaa ee laga dhiso Puntland intii ay Jirtay, mana jirin madaxweyne ka horeeyey oo ka fuliyey Puntland dhismayaal la mid ah kuwa uu Gaas ka fuliyey Puntland iyadoo haddii la isku daro kuwii hore uu ka badan yahay Gaas.

Biyo Xireeno

  1. Labo Biyo Xireen oo waawayn waa la disay waana Anfaceen daka reer Puntland
  2. Afarna waxa lagu hawlan yahay dhisamahooda
  3. Lix Biyo Xireen oo kalena waxaa laga hirgelinayaa Puntland inta uusan dhamaan sanadkan 2017ka
  4. waxaa waliba Biyo Xireenada barbar socda soo noolayn Deegaanka oo ay wado dawladu

Siyaasi Danayste Qaswade ah

Waxaa shacabka reer Puntland dibad iyo gudahaba iswaydiinayaa maxay tahay waxa ay sheegayaan Siyaasiyiinta ku doodaya Puntland “Badbaado” ayey u baahan tahay yaa laga badbaadinayaa Puntland? ma waxqad iyo Harumar ayaa laga badbaadinayaa? shacabka reer Puntland way ka dharagsan yihiin danayste Qas u abuuraya dantiisa.

Daawo Dood aad u xiiso badan oo ku saabsan Waxqabadka Xukuumadda Puntland, Carqabadaha & Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ah

Puntlandes.com

About The Author