Dhagayso: Madaxweynaha Puntland Wareysi dheer oo Xasaasi ah uuna uga hadlayo Puntland siiyey VOA

5 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweyanah Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi aad u dheer siiyey idaacadda VOA ayaa waxa uu uga hadlay arrimaha guud ahaan Puntland, gaar ahaa Amniga, Dhaqaalaha, Canshuuraha, Kaluumaysiga Xeebaha Puntland iyo xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

234-1c4

Madaxweyne Gaas oo ka hadlayey Xariayatil Qawlka iyo dawlada Puntland ayaa sheegay in dadku xor u yihiin inay cabiraan aragtidooda aysana jirin cid ay u xireen Aragtidooda wuxuuna yiri “..dadku xor weeye, waxbay saxayaan, wax bay noo sheegayaan, si toos ahna waa iigu sheegaan si dadbana waa iigu sheegaan, mana dabagalno, hal Siyaasi oo aanu Xirnayna ma jirto, kuwii shalay halkan joogay oo aan 20 bilood Mushahaar bixinbaa Idaacadaha ka hadlayey, cid dabgashay maad aragteen, oo wax ka sheegtay?”

Madaxweyne Gaas ayaa ku dheeraaday waxqabadka ay Xukuumadiisu ka samaysay Puntland muddadii uu xilka hayey, isagoo xoogga saaray Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland gaar ahaan Garoomada Puntland, Dekado, Wadooyin, Ceelal Biyood, Dhismaha Hay’addihadawliga, Dhimayaal dawladeed.

Garoomada Puntland & Xukuumada Gaas

Mar uu ka hadlayey madaxweynuhu Garoomada ay dawladiisu dhistay iyo kuwa u qorshaysan waxa uu sheegay inay dhiseen Garoonka Bosaso kan Garowe na uu marayo meel gabogabo ah, uuna dhawaanbilaaban doono Garoonka Gaalkayo aynu u qorshaysan tahay oo ay dhaqaale u dalbeen Garoomada Buuhoodle iyo Badhan. Wuxuuna madaxweyne Gaas sheegay inay Mashaariic ugu jirto Puntland Mashaariicda ay dawlada Federaalka ay ka codsatay dawlada Sacuudiga.

Wadooyinka Puntland & Xukuumada Gaas

Mar uu ka hadlayey madaxweyne Gaas Wadooyinka ay dawladiisu dhistay iyo kuwa u qorshaysan waxa uu sheegay inay wadaan wadooyinka kala ah tan

  1. Gaalkacyo iyo Garowe
  2. Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo
  3. Wadaagsin ee Garacad iyo Galdogob
  4. Eyl iyo Dangorayo
  5. Bandar-Bayla iyo Qardho
  6. Qandala iyo Bosaso
  7. Iyo kuwa kale

Dhagayso Weraysiga uu Madaxweyne Gaas siiyey VOA

Puntlandes.com

About The Author