Warbixin: Wararkii ugu dambeeyay ee xaalado cakiran oo ka jira magacaabida Golaha Wasiirada

18 marso 2017 (Puntlandes) Waxaa ka jira madaxda dalka Soomaaliya is mari waa adag oo la xiriira magacaabista Golaha Wasiirada, iyadoo xaalka u muuqdo mid meel sare gaaray, kaddib markii uu banaanka usoo baxay kala aragti duwanaan la xiriira qaabka xulidda iyo tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada.

234-2b9

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay la isku hayay in Golaha Wasiirada laga dhigo 25 Wasiir, sida ay aheyd labadii Xukuumaddood ee u dambeeyay iyo in la kordhiyo oo laga dhigo 30 Wasiir.

Rayssul Wasaare Kheyre ayaa culeysyada ugu badan ee dhismaha Golihiisa Wasiirada kala kulmaya Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa kala soo halgay Guushii uu kasoo hoyiyey doorashada dalka isagoo doonaya in lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sababta la doonayo in Golaha Wasiirada looga dhigo 30 Wasiir ay tahay in lagu qanciyo shaqsiyaad ku dhow dhow Madaxda, iyadoo lagu jaan-goynayo habka awood qeybsiga.

Sidoo kale culeysyada iyo xaalada cakiran ee ka jirta magacaabista Golaha Wasiirada waxaa qeyb ka ah loolanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo wata shaqsiyaad kala duwan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo liisaskii horay suuqa soo galay iyo shaqsiyaadkii ugu cad cadaa Golaha Wasiirada in meesha laga saaro, isla markaana lagu bedelo boosaskooda rag ay iyaga keensadaan, si ugu yaraan loo yareeyo xaalada cakiran ee ka jirta magacaabista Golaha Wasiirada.

Raysul Wasaare Kheyre ayaa mudada uu dastuurka u siinayo inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada waxaa ka harsan 12 cisho, waxaana laga doonayaa in todobaadkan gudihiisa ku soo magacaabo, si uu fursad ugu helo maalmaha ka harsan waqtiga laga doonayo in Baarlamaanka ku hor-geeyo Xukuumaddiisa uu u sameeyo galaan-gal ku aadan in la meel mariyo xukuumaddiisa cusub.

Dhinaca kale waxaa iyana la sheegayaa in ka hor inta aanu Madaxweynaha u ambabixin dalka Kenya lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

Puntlandes.com

About The Author