Daawo Muuqaalo: Xildhibaanada Somaliland uo Cod ku ansixiyey wadahadalka Somaliland & Galayr, Xil. Saleebaan Cali Koore oo ka yimid

18 marso 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Somaliland ayaa kullan ay maanta iskugu yimaadeen waxay ku ansixiyeen wada hadalada u socda Somaliland iyo Cali Khaliif Galayr.

234-2e4

Waxaana kullankan oo ay soo xaadireen 44 xildhibaan, Gudoominayey  gudoomiye ku  xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaana laga akhriyey warqad Codsi ah oo la sheegay in Galayr kaga Codsaday in Baarlamaanku taageero wada hadalkooda.

Waxaana xildhibaanadu ayiday wada hadalkaas 42 xildhibaan, hal Xildhibaana waa ka aamusay gudoomiyuhuna muu codayn.

Daawo muuqaal xildhibaanada oo ansixinaya

Dhanka kale Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo kamid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool ayaa kasoo horjeestay talaabadii ay mudanayasha wakiiladu saaka ku ansixiyeen wada hadalada u socda Somaliland iyo Galayr.

Daawo muuqaalka Xildhibaan Saleebaan Cali Koore o oka hor yihimd

Puntlandes.com

About The Author