Dhagayso: Shirkadda Is-Xilqaan oo ku guulaysatay & Dhismaha wadada Garowe & Galkacyo oo dhwaan bilaabanaysa

19 marso 2017 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta waxa uu shir gudoomiyey kulan looga arrinsanayey dardar gelinta shaqada dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo dhwaan bilaabanaysa.

234-5a5

Dhismaha wadada ayaa waxaa tartankii loo galay ku guulaystay Shirkada Is-xilqaan, iyadoo kusoo gabagabaynaysa dhismaha wadadaas muddo 1 sanno gudaheed ah wuxuuna dhismahu bilaabayaa sida ugu dhaqsaha badan.

Kulankan ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda, gudoomiyaha hay’ada wadooyinka ee PHA, Injineero iyo madaxda shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhismaha wadada ee Isxilqaan.

Dhismaha wadadan ee dhawaan bilaabanaysa ayaa waxay ka mid tahay waxqabadka Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dadaal xoogan u galay inay ka horumariyaan kaabayaasha Dhaqaalaha.

Dhagayso warbixin uu Radio Daljir ka diyaariyey


Puntlandes.com

About The Author