XOG: Puntlandes.com oo heshay Xog ku saabsan dhismaha Goroonka Diyaaradaha Gaalkayo

20 marso 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo isku hawsha una taagan had iyo jeer xog usoo gudbinta akhristayaasheeda wararka ee wax ku oolka ah guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland ayaa maanta idiin wada xogtii biyo kam dhibcaanka ahayd ee ay ummadda reer Puntland mudada dheer sugayeen taasoo ku saabsan dhismiha Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Gaalkayo (Abdulahi Yusuf International Airport).

234-5

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dadaal xoogan u galay sidii caadada u ahayd ee lagu yaqiinay horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo iminka ku sugan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abba ayaa saxiixay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkayo sida ay Warbaahinta Puntlandes ay xogta ku ogaatay.

Garoonkaas oo ay Shrkado badan oo caalami ah tartan u galeen dhismihiisa ayaa waxa ku guulaysatay Shirkad ka socota dalka Shiinaha oo dawladda Puntland kula heshiisay inay Gaalkacyo ka dhisto Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah oo ay u dhamaystiran yihiin adeegii uu u baahnaa, wuxuuna dhismaha Garoonku bilaabanayaa bisha soo socota ee April dabayaaqadeeda ama bilowga bisha may 2017ka.

234-5b1

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sanad ka dib noqonaysa magaaladii sadexaad oo Puntland ku taala oo ay xukuumadda Dr Gaas ka dhisto Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah, iyadoo Puntland aysan lahayn Garoomo caynkaas ah madaxweyne Dr Gaas ka hor (Hogaan daacad ah bulshadii heshaa abid horumartee halyey baa u kacay reer Puntland).

4

Sida la wada ogyahay Dr Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa ee geyiga Soomaaliyeed abid, gaar Puntland (Taariikhda ayaa sheegin Dr Gaas), isagoo Puntland ku soo kordhiyey Mashaariic wax ku ool ah oo la taaban karo sida Garoomo, Wadooyin, Dekaddo iyo Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee Puntland laga qodo, intaas waxaa dheer booqashada cirif ilaa cirif meel uusan marin aysan jirin si uu ugu kuur galo.

Waxaa kale oo uu Puntland ka hirgeliyey geliyey barnaamijkii aadka loogu diirsaday ee caanka Soomaaliya ka noqday ee ahaa “Puntland ha isku tashato” wuxuuna shacabka reer Puntland farta ugu fiiqay “Biyo Sacabadaadaa looga dhargaa” ee dalkaaga wax u qabo shisheeaye ha sugine.

Nala daadawada Heestan “Taariikhdu waa marage madaxweyne adoo kale ah Puntland umuu curan.. Intaad maamulka haysay Mashruucyadii aad fulisaa maankeena, maankeena deeqee..”

Puntlandes.com

 

About The Author