Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Salaan ugu tagay Imaamka Beelaha Mudullood

23 marso 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Qaar ka mid ah wasiirada uu soo magacaabay ayaa shalay kulan Salaan ugu tagay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

234-5e1

Kulankan ayaa looga hadlayay taageerada Xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Imaamka uu soo dhoweeyay Wasiirada uu soo magacaabay, isagoo u duceeyay.

Sidoo kale Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay duubabka dhaqanka beesha Mudullood, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Beelaha Mudullood.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda cusub, isla markaana ay meesha ka saaraan mooshinada looga bartay in laga keeno Xukuumadihii hore.

“Baarlamaanka waxaa ka codsanayaa inay ansixiyaan Xukuumadda oo mooshinada ay nagu keenin, waa dhibaateysanahay, abaaro iyo col ayaa na heysa, boqorka dhulkaan ayaa ahay ee taladeeda ha yeelaan”ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro kulan looga soo horjeedo Xukuumadda cusub oo ay hor-boodayeen xubno ka tirsan Beelaha Mudullood, inkastoo markii dambe kulankaas uu fashilmay, markii Imaamka uu hoygiisa gogol ugu dhigay beesha, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ay salaan ugu tageen Imaamka.

Puntlandes.com

About The Author