Daawo Video-Sawirro: Madaxweynayaasha JF Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Kenya

23 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan albaabada u xiran yeeshay, waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, iyadoo si wada jir ah u qaban doona shir jaraa’id.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho uga bilaabatay dalka kenya, waxaana uu 25-ka bishan uu kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.



Puntlandes.com

About The Author