Sawirro: Baarlamaanka Galmudug oo ka horjeestay codsigii RW Khayre kuna dhawaaqay xiliga ay dhacayso doorasha madaxweynaha

25 marso 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug ayaa isku raacay xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Kulanka Baarlamaanka ay kasoo qeyb galeen Xildhibaano gaaraya 54 mudane waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir , waxa ayna Xildhibaanada ka doodayeen xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha.

Dood kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxa ay u codeeyeen iskuna raaceen in 10-ka bisha soo socota ee April la qabto doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shaaciyay in Baarlamaanka Galmudug isku raaceen in doorashada dhacdo 10-ka bisha soo socota e April , waxa uuna tilmaamay in ay u diyaar garoobayaan qabashada doorashadaasi.
Go’aanka Baarlamaanka Galmudug
Baarlamaanka Galmudug ayaa u muuqda in looga horjeedo Codsigii uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kaga codsaday in Doorashada dib loo dhigo mudo 45-cisho ah, lamana saadaalin karo in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doonto 10-ka April ay u codooyeen Xildhibaanada.

234-6a3

234-6a4

Puntlandes.com

About The Author