Daawo-Dhagayso: Madaxweyne Gaas ”..Yaa ka qabtay Puntland inta aan ka qabtay? Waraysi XASAASI AH

25 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyey  Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan oo uu ka mid yahay Puntlandes.com ayaa wuxuu aad ugaga hadlay:

  • Arimaha Siyaasadda
  • Dhaqaalaha
  • Mashaariicda horumarineed ee kala duwan e eka socda Puntland
  •  Horumarinta kaluumaysiga Puntland

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday kaabayaasha dhaqaalaha Puntland sida Dhamaystirka iyo dhisidda Garoomada diyaaradaha, Dekedda Bosaso  iyo Mashaariicda cusub ee dhowaan la bilaabi doono Puntland.

4

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Gaas waxaa kale oo uu ka hadlay gobolada Sanaag iyo Sool iyo Xiriirka Dowladda federaka Soomaliya iyo Puntland u dhexeeya.

Madaxweyne Gaas oo wax laga waydiiyey Ciidankii dhawaan lagu sheegay inuu ka cabanayey mushahaarkooda oo aysan ka helin dawlada Puntland ayaa sheegay inay si joogto ah oo aan hakad lahayn ay u siiyaan Ciidanka dawladda Puntland Mushahaarkooda, Gunadooda iyo Raashinkooda.

Madaxweyne Gaas oo wax laga waydiiyey Ceelasha biyaha oo ay Xukuumadiisu ka qoday Puntland ayaa sheegay in aan horay looga qodin Puntland inta Ceel oo ay Xukuumadiisu ka qoday Puntland sadexdii sano ee uu xukunka hayey.

Dhanka kale madaxweyne Dr Gaas oo wax laga waydiiyey waxa ay Puntland ka qabatay ayaa ugu horay shacabka xusuusiyey isagoo iswaydiinaya Maxaa Puntland laga qabtay hortiis? isagoo madaxweynuhu sheegay in aan Puntland waxba laga qaban hortiis ayuu wuxuu yiri ”.. Dakeddii yarayd iyo jidkii yaraa ee Maxamed Siyaad nooga tagay ayaa wali na horyaala, maxaa loo qabtay dalkaan aniga hortay?

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay Puntland ka samaysan Mashaariicda:

  • Garoonka Caalimga ee Bosaso oo la dhamaystiran
  • Garoonka Caalimga ee Garowe oo gabogabo maraya
  • Garoonka Caalimga ee Gaalkacyo oo dhawaan bilaabanaya
  • Wadooyin Halbowle u ah dalka (Dhamaantood meel wacan ayey marayaan
  • Buundooyin Wadooyinkeena
  • Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo
  • Jaamacadda Maakhir oo dhismaheedii la dhamaystiray
  • Dhismayaal dawladeed oo aad u faro badan
  • Biyo Xireeno

 

Dhagayso waraysiga oo uu Weriye Dhegood ka qaaday madaxweyne Dr Gaas


Daawo waraysiga aadka u xiisaha badan una ah Xasaasiga

Puntlandes.com

About The Author